Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la kulmay wafdigii uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Jimco ah qado sharraf ugu sameeyay xarunta madaxtooyada Kismaayo wafdi uu hoggaaminaayay wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo shaley gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wasiirka gaashaandhiga ayaa ujeedka safarkiisa waxaa lagu sheegay in uu dhex dhexaadiyo beelo walaalo ah oo halkaasi dirir ay ku dhexmartay.


