DHAGEYSO: Cali Gaab “laguma wareejinin maamulka gobolka amniga muqdisho”

Taliyaha qeybta guud ee booliiska gobolka banaadir General Cali Barre Xirsi Cali Gaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan weli jirin wax cadeymo oo maamulka gobolka loogu sheegayo in lagu wareejiyay amniga muqdisho.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay jiraan heshiis arrintaasi laga gaaray balse aysan jirin wax saxiix ah oo lagu howl galayo isla markaana ay weli socdaan dadaalada.

General Cali Gaab ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan in ay muhiim tahay in si wadajir ah loogu qeyb qaato sugida amniga gobolka Banaadir isla markaaana si wadajir ah loo wada shaqeeyo.

Dhawaan ayay ahayd markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay isku raaceen in taliska booliiska iyo nabada sugida gobolka Banaadir la hoos geeyo maamulka gobolka Banaadir isla markaana ay ka amar qaataan gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaana weli soconayo dadaalo lagu xaqiijinayo amniga caasimadda muqdisho oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen qaraxyo iyo weeraro ismiidaamin ah.