Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa ka horyimid Hub ka dhigista ka socota magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay inay wanaagsan tahay hub ka dhigis in la sameeyo, balse ay marka hore haboon tahay in hubka laga dhigo Shabaab, awoodoodana la wiiqo.
Siyaasiga Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo la hadlayay BBC-da ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aysan sax aheyn in Hub ka dhigista laga bilaabo Ciidamada iyo Siyaasiyiinta, taasina ay tahay ujeedo gaar ah.
Axmed Daaci wuxuu kaloo sheegay hadii Hub ka dhigis ay dhaceyso in muhiim ay tahay in Gobolada dalka oo dhan laga bilaabo, balse aanan lagu soo koobin hal gobol.
Ciidanka isku dhafka ee ammaanka caasimadda qaabilsan, ayaa waayahan waxa ay wadaan qorshe hubka looga dhigayo ciidamada kale ee aan shaqada ku jirin ee magaalada hubka ku dhexwata.
Ciidanka xasilinta magaalada Muqdisho ayaa howlgallo waxa ay ka bilaabeen bartamahii bishan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Holwgalkan oo go,aankiisa ay leeyihiin Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ujeedkiisa waxaa lagu sheegay sidii Muqdisho looga yareyn lahaa Hubka.



