DHAGEYSO:- Amaanka degmada qoryooleey oo si weyn loo adkeeyay

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka Degmada Qoryooleey ka dib markii ay ka dhaceen qaraxyo iyo dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale waxaa degmada Qoryooleey ka soconayo howl galo joogto ah oo laga sameynayo xaafadaha degmada Qoryooleey.

Ciidamada amaanka ee Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa ku howlan sidii loo xaqiijin amaanka xaafadaha degmada Qoryooleey.

Sidoo kale waxaa degmada Qoryooleey mararka qaar ka dhaca weeraro iyo dagaalo oo ay Al-Shabaab ku soo qaadaan Xarumaha dowlada ee degmadaasi.