Dhageysiga Kiiska dilka ah ee loo haysto Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo bilaabatay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida  ayaa maanta oo Sabti ah bilowday  dhageysiga Kiis dil ah oo ku saabsan dilkii dhawaan Magaalada Muqdisho loogu geystay Taliye Ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino).

Dilka taliye ku xigeenka ayaa waxaa geystay  Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya, islamarkaana Saciid Mariino ku dhex dilay Xafiiskisa 18-kii Bishii lasoo dhaafay.

Dhageysiga Dacwadda ayaa saakay ka bilaabatay xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ee Darajada Koowaad.

Dacwadda dilka ah ee loo heysto Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh ayaa lagu soo beegay Maanta oo ciidamada Badda ay u dabaal degayaan Sanadkii 53-aad ee kasoo wareegatay Markii la Aas Aasay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan xarunta Maxkamadda kuwaa soo dhageysanaya sidda ay u socota Maxkamadeynta eedeysanaha.