Dhaawacyadii laga qaaday Muqdisho oo laga dejiyay Kenya iyo Sudan (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Bukaanaddii maanta ay ka qaaday Magaaladda Muqdisho ee ku wajahnaa dalka Suudaan, ayaa caawa ka degay Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Sudan iyo Jaaliyadda.

Madaxweynaha Sudan, Cumar Albashiir, ayaa ka hadlay Qaraxii Zoobe ee dadka badan ay ku dhinteen, isagoo sheegay in Bukaanadda Wadaankaasi gaaray oo gaaraya 23 Qof ay Dowladdiisa u balan qaadeyso in addeeg Caafimaad ay siin doonto, islamarkaana Sudan ay diyaar u tahay Caawinaada iyo garab istaaga Soomaaliya.

Cumar Albashiir, Madaxweynaha Wadanka Suudaan, ayaa amray Wasaaradda Caafimaadka ee Wadankaasi in il gaar ah lagu hayo bukaanada Soomaalida ah, loona fidiyo Gargaar caafimaad oo tayo leh.

Dhanka kale Magaaladda Nairobi ee xaruna dalka Kenya, waxaa ka degtay Diyaaradii waday Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Zoobe, kuwaasi oo maanta ka dhooftay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyey Bukaanada Soomaaliyeed, Masuuliyiin ay ugu horreyso Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Marwo Aamina Jawaahir Maxamed, Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo Warbaahinta la hadashay soo dhaweynta ka dib, ayaa sheegtay in addeeg caafimaad oo heer sare ah loo fidin doonno Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay.