Mourinho oo ka hadlay mustaqbalkiisa Man Utd xilli lala xiriirinayo PSG

Jose Mourinho ayaa markale shaki geliyey mustaqbalkiisa kooxda Manchester United ka hor kulanka ka tirsan koobka UEFA Champions League ee ay habeen dambe ku wajihi doonaan kooxda Benfica.

Isbuucii lasoo dhaafay mustaqbalka tababare Mourinho ee kooxda Manchester United ayaa si weyn looga hadlay, iyadoo shaki weyn la geliyey. Sababtoo ah 54 sanno jirkaan ayaa waxaa lala xiriirshay kooxda Paris Saint-Germain, iyadoo qandaraaskiisa kooxda Old Trafford uu dhici doono sannad gudihiis.

Mourinho ayaa mustaqbalkiisa ka hadlay ka hor ciyaarta Benfica wuxuuna caddeeyey in uusan weli qandaraas cusub u saxiixin Man United, halka uu sidoo kale caddeeyey in uusan heshiis hordhac ah la meeldhigin PSG.

“Waxaan u maleynayaa in warbaahinta England ay jawaabta hayaan,” Mourinho ayaa sidaasi u sheegay saxaafadda… “Sababtoo ah warbaahinta England waa kuwa maanta kuu sheegaya inaan saxiixayo qandaraas shan sanno ah, oo aan xilli ciyaareedkii ku qaadanayo HAL bilyan oo ginni. Maalinta xigtana kuu sheegaya inaan u socdo PSG. Taas ayaa ah jawaabta.

“Waxba ma dhacayaan. Ma saxiixin qandaraas cusub oo shan sanno ah, ma aadayo PSG kama tegayo Man United sababtoo ah qandaraas ayaan kula jiraa, taas ayaana ah jawaabta saxda ah”.