DF oo ka hadashay Duqeyn ka dhacday J/Dhexe

Muqdisho-RisaalaFM- Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa lagaga hadlay weerar lagu qaaday saldhig tababar oo ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

“Saaka aroortii, waxaan amray in ciidamadeenna gaarka ah oo kaashanaya saaxiibadeenna caalamka in ay weerar ku qaadeen xarun tababar oo kooxda Shabaab ku lahayd meel u dhaw degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.”

“Weerarkan oo ah ahaa mid guul ku dhammaaday ayaa lagu burburiyay xarun tababar oo muhiim u ahayd hawlaha amni darro ee Shabaab, tani waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu ku soo abaabulo weerarro cusub.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay weerarkan in uu sare u qaadayo amniga iyo xasilloonida dalka, wuxuuna tilmaamay in uu yareynayo khatarta ay Shabaab ku hayso dadka Soomalaiyeed.

“Dowladda Federalka oo kaashanaysa saaxiibadeenna caalamka waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo looga hortagayo in hawlgallada noocan ah aysan wax dhibaatada ah ka soo gaarin dadka shacabka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii war-saxaaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed looga codsaday in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka looga sifeyn lahaa Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii uu la wareegay xafiiska waxa uu sheegay in maamulkiisa uu ahmiyad sare siin doono amniga.