Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhawaan lagu qaaday ciidamada Ammaanka ee dalka Masar, kadib War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka iyo Dowladda Masar uga tacsiyadaysay weerar qarax ku bilowday kaasi oo ay ku dhinteen ilaa 53 Askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga dalkaasi Masar.
Qarax dhulka lagu aasay oo ka dhacay Gobolka Waaxda ee Masar ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi waxay ku eeedeysay in ay ka dambeeyeen kooxaha Ikhwaanul Muslimiin ee ku sugan dalkaasi Masar.
Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinaca kaasi oo Dowladda Masar ay ku sheegtay in lagu dilay 15 kamid ah kooxdii weerarkaasi soo qaaday.
Dowladda Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo hubaysan oo ka dagaalama dalkaasi, iyadoo inta badan weeraradu ay u dhacaan qaab ku dhufo ka dhaqaaq ah.


