Waxaa goor dhaw Shil gaari ku geeriyooday labo Wasiiro dowle oo ka tirsan Maamulka Galmudug.
Labada Wasiiro dowle ayaa waxa ay kala yihiin Wasiiru dowlaha Wasaarada Howlaha Guud ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyada ee Maamulka Galmudug Cabdi la diif.
Labada Wasiir ayaa waxa y ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Saddex Higlo ee Gobolka Mudug.
Sidoo kale waxaa shilkaasi gaari ku geeriyooday mid ka mid ah Nabadoonada gobolka Mudug iyo hal Askari oo ka mid ahaa ilaalada labada Wasiiru dowle.
Nabadoonka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabaa Nabadoon C/llaahi Digsi oo ka mid ah Waxgaradka Galmudug.
Mas’uuliyiinta Shilka ku dhintay ayaa waxa ay ka amba baxeen Magaalada Cadaado, waxaana ay u socdeen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.


