Wararka naga soo gaaraya degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in Qarax oo xoogan oo loo adeegsaday gaari uu ka dhacay degmada Shangaani.
Qarax ayaa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la sheegaya in uu dhaliyey khasaaro aad u farabadan .
Lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxan Baabuur ee saaka ka dhacay Xarunta Visha Taraafiko ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaanan la ogeyn in rag hubaysan ay gudaha u galeen Xarunta Visha Taraafiko ee Magaalada Muqdisho.


