Gudiga xildhibaanada ah ee loo xil saaray qorshaha doorshada ee sanadkaan ayaa kulamo ka leh qorsha xukuumada ay soo gudbisay.
Gudiga ayaa kulamo gaar ah kaleh qorshaha doorashada sanadkaan,waxayna inta badan ka hadlaaya qodobada ugu muhiimsan doorashada.
Xilidhibaan Maxamed Cumar Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in guddiga ay soo saari doonaan qodobo muhiim ah oo ay ku qaci donaan mudanayaasha baarlamaanka dowladda Soomaaliya.
R.wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cabdi Sharmaake ayaa dhawaan golaha baarlamaanka u gudbiyey qorshaha doorashada ,iyadoo maamulka goboleeyada iyo dowladda Dhexe ay horay isku raaceen qorshaha doorashada.


