Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saakay ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
Warar ay heshay idaacadda Risaala ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 qof ay dhinteen tiro ku dhow 10 kana ay dhaawacmeen.
Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ka hortagay gaariga oo la donaayey in lagu galo xarunta Taraafika ee muqdisho.
Goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa haatan waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan dowlada iyo waliba ciidamo badan kuwaas oo adkeeyay amaanka goobta.
weli waxaa ay wadaa isku deyo xiriiro ah oo lala sameynayo saraakiisha caafimaadka & kuwa amniga si xaqiiqada qaraxaasi loo helo goordhow naga filo warar intaa ka faah faahsan.


