DHAGEYSO: Dowladda oo magacowday guddiga Barakacayaasha

Dowlada Soomaaliya ayaa   guddi heer wasiir ah u magacowday samaynta qorshaha Barakayaasaha qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisulwasare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Cumar Carte ayaa magacaabay gudiga loogu talagay in ay soo diyaariyaan qorshaha qaranka.

Maxamed Cumar Carte Qaalib oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageerayso barakacayaasha Soomaaliyeed.

Carte ayaa sheegay in guddigaan uu  kashaqeyn doono hagida iyo hormarinta barakacayaasha Soomaaliyed,islmarkaana dowladda ay qaadan doono qorshaha hormarinta dadka barakacayaasha.

Shalay ayey ahayd markii kulan gaar ay Muqdisho ku yeesheen Wasiirada qorshaynta ,haweenka, howlaha guud,arimaha gudaha,wakiilo mataalyo maamul goboleeyada kasoo looga hadlayey hormarinta barakacayaasha.