Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka Gaari waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen ayaa wuxuu ku qarxay xaafadda Nuur Aduunyo ee degmada Dharkeenley.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay Xaafaddaha degmada Dharkeenley.
Qaraxa ayaa ahaa Miinadda Nooca dhajiska, waxaana lagu xiray gaari Sruf ah,oo uu lahaa Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle.
Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa wuxuu hor yaalay guri ku yaallo Xaafadda Nuur Aduunyo, markii Gudoomiyaha uu ka shakiyayna waxaa uu u yeeray ciidamada Ammaanka ee degmada.
Laba Askari ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa.
Labadda Askari ee dhaawacantay ayaa la sheegay in Gudoomiyaha lahaa gaariga qarxay uu wacay markii uu ka shakiyay in Qarax lagu xiray gaarigiisa markii ay goobta yimaadeena uu qarxay.
Dhaawacyada labada askari ayaa laga soo qaaday goobta, waxaana halkaasi tagay Ciidamo Boolis ah oo baaritaan ka wada goobta ay wax ka dhaceen.