Bambo gacmeed caawa lagu weeraray xarunta degmada Waaberi

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, koox hubeysan ayaa caawa bambo gacmeed ku weerartay xarunta degmadaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay salaadii maqrib kadib inay jug xoogan ka maqleen dhanka xarunta degmada Waaberi, kadibna ay xigtay rasaas badan oo ciidamada ay rideen.

Maamulka degmada Waaberi ayaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay warkan, wuxuuna sheegay in bambo gacmeedkan uu ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, sida ay sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.

Sidan oo kale bishii Ramadaan bartamaheeda waxaa bambo gacmeed lagu weeraray xarunta degmada Waaberi, xilligaasi waxaa ku dhaawacmay Hal askari.