Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Qarax gaari ayaa galabta oo Arbaco ah waxa uu ka dhacay ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho,  sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray ruux la sheegay inuu la shaqeynayay mid ka mid ah Hay’adaha samafalka, waxaana dhaawac uu soo gaaray isaga iyo qof kale oo gaariga la saarnaa, iyada oo daqiiqado kadib loola cararay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan nuuciisa inuu ahaa midka loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan dabagalka raggii falkan ka dambeeyay.

Gaariga qarxay oo nuuciia uu ahaa midka raaxada ayaa gabi ahaan gubtay, iyada oo markii dambe ay damiyeen dadbkii gaariga ka kacay shacab halkaasi ku soo xoomay, Ciidamo Dowladda ka tirsan ayaa goobta tagay oo xiray wadadaasi, daqiiqado kooban.

Qaraxyada nuucaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa lala begsadaa masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadka kale ee caadiga ah, waxaana inta badan geysta ururka Al-shabaab.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu u muuqdaa mid faraha ka sii baxaya, maadaama labadii Todobaad ee la soo dhaafay ay dhaceen Afar qarax ay ku dhinteen dad ka badan 25 qof.