Deg Deg: Madaxweynaha Jubbaland oo ku dhawaaqay Gollahiisa Wasiirada

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  Axmed Madoobe ayaa goor dhow ku dhawaaqay Gollahiisa Wasiirada.

Golaha Wasiirada ee lagu dhawaaqay waxaa ka dhex muuqda oo liiska ku jira Wasiiro dib loo soo celiyay oo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiro kale.

Sidoo kale Gollaha Wasiirada ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin caan ka ah deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Maalmahan maamulka Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku howlanaa sidii loo soo magacaabi lahaa Gollaha Wasiirada maamulka Jubbaland.