Duqeymahan ayaa waxa ay ka dhaceen deegaano hoostaga degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo diyaarado ay halkaasi ku tuureen gantaalo.
Dadka deegaanka ah ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradahan ay arkayeen iyagoo joog hoose ku socda oo duweymo geysanaya.
Waxaana ilaa iyo hada aan si rasmi ah aan loo ogeyn diyaaradahaas wadamada laga lahaa iyo bartilmaameedkooda halka uu ahaa, iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay duqeyntaas.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaanan wali ka hadlin duqeyntaas .


