DHAGEYSO: Wasiirka amniga oo markale hortagay Baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa maanta markale hortagay xubno matalayay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.

Waxaana kulankii maanta ajandihiisa ugu muhiimsan uu ahaa sidii loo wadi lahaa dooda hay’adaha amniga.

Kulankii baarlamaanka maanta si aan xog badan uga ogaano waxaan qadka telefoonka kula xiriirnay xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka golaha Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii la soo xiray iyadoo baarlamaanka ay gali doonaan bil fasax, iyagoo dib isugu soo laaban fasaxooda ka dib.