Danjire Barrow oo kulan la qaatay Soomaalida ku nool Limpopo

Limpopo-RisaalaFM- Jamaal Maxamed Barrow Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo dublamaasiyiin ka tirsan Safaaradda oo dhawaanahan Kormeerayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Sagaalka gobol ee dalka Koonfur Afrika, ayaa waxa ay Booqasho ugu tageen Jaaliyadda gobolka Limpopo, kuwas oo ay la qaateen kulammo Gaar-gaar ah oo ay Mas’uuliyiinta Safaarada ku xog-wareesanayeen Soomaalida Deegaannadaas ku nool.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Limpopo, Daahir Hilowle Xasan, oo ka mid ahaa Qaban-qaabiyayaashii Kulanka Safaaradda iyo Jaaliyadda, ayaa ugu Horeyn ku soo dhaweeyay Danjiraha iyo Dublamaasiyiintii la socotay gobolka Limpopo oo ay tiro badan oo Soomaali ah ay Deegaan iyo Ganacsiyo ku leeyihiin.

Kulanka, ayaa intuu socday waxaa aragtiyo iyo su’aalo ay u qabeen Safaaradda weydiiyay xubnihii ka soo qayb-galay, Waxayna ahaayeen Aragtiyadoodii kuwo gabi ahaantood ku Saabsanaa in Mas’uuliyiinta Safaaradda ay xil weyn iska saaraan Xiriirka labada waddan si ay mawaadiniinta Soomaaliyeed u helaan Tix-galin sharciyada iyo Ganacsiga.

Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo kulankaan Mas’uuliyiinta Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed khudbad ka jeediyay, kana jawaabay su’aalihii la weydiinayay ugana mahad-celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Limpopo soo dhaweyntii ay u Sameeyeen, ayaa sheegay inay safaaraddu howlo badan horay u qabatay haddana ay Dadaallo ugu jirto sidii ay u ballaarin lahayd Hawla shaqo ee ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed u hayso loona gaarsiin lahaa gabi ahaan Afrikada Koonfureed.