Talyaaniga oo qabtay Labo qof oo dadka Tahriibin jiray

Talyaaniga-RisaalaFM- Boliiska dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigen laba nin oo lagu sheegay in ay ahaayen naaqudayaal dadka tahriibin jiray.

Wararka waxa ay intaasi ku darayan in labadan nin in ay waden doon ku quustay jaziirada Sishiliya ka hor inta aysan ciidamada badda Talyaaniga u gurman dadkaasi.

ku dhowaad 625 ruux ayay ciidamada badda Talyaaniga soo badbaadiyen sida warbaahinta dalkaasi ay baahisay.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa la sheegay in ay isugu jireen Haween caruur yar yar iyo Rag.

Shalay ayay aheyd markii Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR, ay sheegtay in laga yaabo in ka badan 700, oo Qaxooti ah in ay ku hafteen Badda Mediterranean-ka ee Koonfurta Talyaaniga, toddobaadyadii la soo dhaafay.

Af-hayeen u hadsahay hay’adda oo lagu magacaabo Carlotta Sami, ayaa khadka taleefanka ugu sheegtay Wakaaladda Wararka ee AP, in dad lagu qiyaasay 100 qof ay ku maqan yihiin doon degtay Arbacadi.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in 550, qof oo kale ay ku maqan yihiin Doon degtay subixii Khamiista.