Al-Shabaab oo Kenya ciidan uga dilay qaarna uga qabsaday dagaal ka dhacay J/Hoose

Wararka hada inaga soo gaaraya degmada Qooqaani  ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay halkaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa billowday markii kooxo ka tirsan Al-Shabaab ay waddada u galeen kolanyo ay la socdeen ciidamada Kenya kuwaas oo ka yimid deeganka Dhoobleey.

Dagaalka halka uu ka dhacay ayaa 13km u jira degmada Qooqaani halka Afmadow iyo Qooqaani ay isku jiraan 55km.

Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Qooqaani.