Dad badan oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Florida

Sagaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay xaafad ku taalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka Mareykanka.

 

Shilku wuxuu Axaddii ka dhacay agagaarka Cresthaven, oo qiyaastii 14 kiiloomitir u jirta Mar-a-Lago, oo ah goobta uu Madaxweyne Donald Trump ku leeyahay guri nasasho, kuna taalla deegaanka hodanka ah ee Palm Beach County. Shilku wuxuu dhacay abbaaro 12:50 duhurnimo waqtiga maxalliga ah.

 

Sawirrada laga qaaday goobta shilka ayaa muujinaya god weyn oo ka dhex samaysmay waddo ay deggan yihiin dadweyne, iyadoo meelo dab ka holcayo iyo burburka diyaaradda oo dhulka ku firirsan la arkayo.

 

Diyaaradda, nooca Learjet 60, ayaa ka duushay magaalada Austin ee gobolka Texas, iyadoo ku sii jeedday dalka Bahamas, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Maamulka Duulista Hawada Federaalka ee Mareykanka (FAA).