Dad badan oo ku dhintay labo qarax oo ka dhacay Baqdaad

Inta la xaqiijiyay  20 ruux ayaa ku dhimatay labo qarax oo  saakay ka dhacay Magaalada  Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.

Sida ay sheegeen saraakiisha, Waxaa sidoo kale Qaraxyaddaasi ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof.

Baqdaad ayay qaraxyadu aad uga dhacayeen tan iyo markii kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ay dhul wayn ka qabsatay dalka Ciraaq sannadkii 2014kii.

Wasiirka arrimaha dibdda ee Ciraaq ayaa sheegay in laga yaabo in ay dhimashadu intaas ka sii badato maadaama oo maydad hor leh la helayo.

Weerar is qarxin ah oo Sabtidii ka dhacay bar kontorool oo ku taalla waqooyiga caasimadda ayay ku dhinteen shan ruux, sida ay booliisku sheegeen.