DAAWO SAWIRRADA:- Weerarka Posh Treats iyo Piza House

Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar la isku waabariistay oo xalay ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Maqaaxidaha Posh Treats iyo piza House oo ku yaallla Agagaarka Isgoyska Zoobe ee degmada Hodan.

Weerarkan wuxuu ku bilowday Qarax ismiidaamin ah, kadib markii Gaari lagu hor qarxiyay Afaafka ee Posh Treats iyo Piza House, intaasi kadib waxaa gudaha u galay Piza House Rag hubyeysan.

Intaasi ka dib Rasaas ayaa laga maqlay gudaha Hotelka, Ciidanka xasilinta caasimadda ayaa gaaray goobta iyaga oo Howlgal ka wada gudaha iyo banaanka Maqaaxida Piza House, maadaama gudaha ay ku jiraan raggii weerarka soo qaaday.

Shabaab oo barta ay wararkooda ku faafiyaan weerarkan kaga hadlay waxay sheegeen in ay weerareen Posh Treats iyo Piza House, halkaasi oo ay sheegeen in ay ku caweeyaan Ajaanib iyo saraakiil.

Inta la xaqiijiyay dhimashada weerarkan waxa ay mareysaa in ka badan 15 Qof, halka sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo intaasi ka badan, oo loo daabulay isbitaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka NISA oo si hoose ula halday Risaala wuxuu sheegay in ay dhismaha Maqaaaxida Piza House ka soo badbaadiyeen dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) iyo saraakiil kale ayaa xalay goobta gaaray, si ay u dhiirageliyaan Ciidamada, welina Howlgalka waa uu socdaa.

Shabaabka weerarka soo qaaday oo gudaha u galay Maqaaxida iyo Ciidanka ammaanka ayaa Rasaas iyo jug xoogan iskula waabariistay, taasi oo sababeysa in uu sii kordho khasaaraha weerarkan.

Labada Maqaaxi ee la weeraray ayaa iska soo horjeeda, waxaana u dhaxeysa wado yar, taasi oo sababtay in bur bur xoogan uu gaarsiiyo Qaraxii koowaad ee weerarka uu ku bilowday.

 

Qarax 1 Qarax 2

Ciidanka NISA qarax