Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shirweynaha Qaran ee suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa waxaa lagu qabtay Hotel City Place, waxaana shirkan furitaankiisa lagu beegay 03 May oo ah maalinta saxaafada xorta Caalamka.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay suxufiyiin ka kala timid gobolada dalka iyo suxufiyiinta magaalada Muqdisho, iyagoo qeyb ka ah xubnaha codadkooda dhiiban doona.
Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay soo qaban qaabisay kulankan oo lagu go’aaminayo cida sida saxda hogaanka u noqoneysa gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, iyadoo shirkan la sheegay in uu socon doono muddo 3 maalmood ah.
Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay kulanka ayaa waxa ay sheegeen in ay wax wanaagsan ka soo bixi doonto doorashada.








