Manchester United oo la soo wareegeysa xiddig qadka dhexe ka cayaara

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo Joao Mario, sida ay sheegayaan wararka.

Mario oo hore ugu saftay kooxda Sporting Lisbon sanadkii 2011 , ayaa markale bartilmaameed xoogan u ah kooxda Ingiriiska ee Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, 23-sano jirkaan ayaa hadda 75 kulan u saftay kooxda reer Portugal oo waa halbowlaha ee isahoo ah khadka dhexe aad loo qiimeeyo.

Waxa uu soo jiitay indhaha kooxo kamid ah Yurub, iyadoo Red Devils, horey ugu soo iibsatay United Cristiano Ronaldo iyo Nani kooxda Sporting,

wargeyska reer Portugal A Bola ayaa sheegay in wakiilo United kasocda mar kale sabtdii dawadeen ciyaaryahankan oo kooxdiisa 3-1 ku garaacday kooxda FC Porto ee Estadio do Dragao.