Daawo Sawirada Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay dalka Jabuuti

Madaxweynaha maamulka puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari isagoo kusii jeeda magaalada Djabuuti ee dalka Jabuuti.

Wafdiga hogaamiyaha maamulka Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee  Puntland  Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiiro iyo Xildhibaano .

Gaas ayaa wariyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa ku dheeraaday xiriirka ka dhaxeeya jamhuuriyadda Jabuuti iyo maamulka Puntland.

Madaxweynaha  Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Puntland iyo dawladda Jabuuti uu  ka dhexeeyo xiriir walaalnimo,mid saaxiibtinimo, mid Soomaalinimo iyo mid islaannimoba isla markaana Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay ka qayb galkiisu in uu sii xoojin doono dhammaan xiriiradaasi.

qqqqqqqqqqqqq jjjjjjjjjjjjjjjj HRW f 8 7 6 5 4 3 2 1