Al-Shabaab, ayaa xalay weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere oo saldhig u ah ciidamada Itoobiya iyo guri uu daganyahay sarkaal ka tirsan maamulka magaalada Baardheere. Lama oga inta uu la egyahay khasaaraha weeraradaasi ka dhashay.
Dagaalyahano ka tirsan Shabaabka ayaa weeraray hooyga Magaalada uu ka degan yahay Maxamed Xuseen Ganey oo ah Madaxa Mashaariicda Degmada Baardheere.
Dagaalka ayaa socday muddo dhowr daqiiqaa waxaana la sheegaya in ciidanka ilaalada madaxa mashariicda degmada Baardheere ay iska caabiyeen Shabaabka Soo weeraray.
Maanta waxaa dagan xaalada magaalada Baardheere ee gobolka Gedo inkastoo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay baaritaano amniga lagu xaqiinayo ay kawadaan degmadaasi.


