Daawo Sawirada Labo Soomaali walaalo ah oo lagu toogtay Sweden

Labo Wiil oo Soomaaliyeed oo  islana dhashay ayaa lagu toogtay xalay fiidkii Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, kadib markii ay soo weerareen Koox dhalinyaro ah .

Dhalinyarada la dilay ayaa fadhiyay goob maqaayad ah oo lagu caweeyo, halkaasi oo ka mid ah goobaha dadka Soomaalida ah ee degan dalka Sweden ay isugu yimaadaan.

Kooxdii hubaysneyd ayaa dishay labadaasi dhalinyarada Soomaalida ah, iyaga oo durbadiiba meesha ka baxsaday.

Booliska Magaalada Stockholm oo goobta dilka uu ka dhacay soo gaaray ayaa sheegay raggii falka dilka ah geystay inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Dhalinyarada la dilay wali lama shaacin magacyadooda.

sweden-6 sweden-5 sweden-1 sweden-8 sweden-7