Wararka ka imanaya Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada maamulku ay kusii dhawaanayaan magaalada Qandala oo dabayaaqadii bishii October ay qabsadeen kooxda dawladda Islaamka ee Daacish.
Ciidamadan ayaa la sheegay haatan inay gaareen meel ay ka weerari karaan kooxda Daacish.
Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in ciidanka maamulka Puntland ay hareereeyeen Magaalada Qandala.
Kooxda Daacish ayaa muddo ku dhow 2 bilood gacanta ku haysa Magaalada Qandala.
Kooxda ayaa dhufeysyo waa weyn ka sameysatay Magaalada , waxaana la sheegaya in ay adag tahay in kooxdaasi laga saaro Magaalada.


