Daawo Sawirada: Hay’adda Hormuud oo Sh/dhexe ka sameysay biyo dhaamin

Hay’ada Hormuud Foundation ayaa ka bilowday howlo biyo dhaamis ah deegaanada ay biyo la’aanta ay ka jirto ee gobolka Sh/dhexe, iyadoo sidoo kale gaarsiisay deeq dawo ah isbitaalka magaalada Jowhar.

Howlaha biyo dhaaminta ah ayaa maanta waxaa markii ugu horeysay la gaarsiiyay deegaanka Maandheere oo ka mid ah deegaanada ku yaalla jiinka wabiga Shabelle iyadoo kumanaan qoys ay saameyn ku yeelatay wabiga Shabelle oo guray.

Madaxa hay’ada Hormuud ee gobolka Sh/dhexe Sheekh Axmed Barrow Acraabi ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlaha biyo dhaaminta ah oo ay ka bilaabeen gobolka Sh/dhexe.

1 2 3 4 1