Daawo Sawirada Darajooyin loo xiray Saraakiil Sare oo la dalacsiiyay

Xaflad si heer sare ah loo soo  agaasimay oo darajooyin loogu xiraayey saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan dugsiga tababarada ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee general Kaahiye.

Madaxa Hogaanka ciidanka Xooga dalka Cabdulaahi Axmed Caynte ayaa goobta ka aqriyay Digreetadii Madaxweynaha uu ku dalacsiiyay Saraakiishaan.

“Xeer number 34 soo baxay taariikhda  4tii bisha 5aad  u jeedadeedu tahay dalacsiin  abaal marin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya  markuu arkey  qodobka 87  farqadda koowaad,  xarafkiisu (A)  iyo farqada labaad ee Dastuurka  kumeel gaarka ah  Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya markuu arkey  qodobka 90 xarafka (B)  ee Dastuurka  ku meel gaarka ah  Jamhuuriyadda federeelka Soomaaliya  laga bilaabo markuu Madaxweynaha saxiixo  xeerkan  waxaa saraakiisha hoos magacooda ku qoran loo dalacsiiyay  sida tan Gaashaale sare Liibaan Ali Yarow waxaa loo dalacsiiyay  Darajada Sareeyo Guuto, Gaashaale Dhaxe Xasan Cali Nuur Shuute waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Sare’’’ayuu yiri Jeneraal Ceynte.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow iyo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa loo xiray Darajooyinkii dhawaan uu ku dalacsiiyay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada gudoomiye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in loo xiro darajooyinkii uu dalacsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

1 16 15 14 13 12 11 9 8 7 6 5 4 3 2