Daawo Sawirada Banaanbax ballaaran oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho, maanta waxaa ka dhacay Banaanbax ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo masuuliyiinta Gobolka ay ka soo qaybgaleen.

Qaar ka mid ah dadkii kasoo qeyb galay banaan baxa ayaa sheegay in uu yahay go’aan muhiim in xilka laga qaado gudoomiyaha maxkamadda Sare,islamarkaana isbalkaas  loo baahnaa.

Ujeedka Banaanbaxa ayaa ku saabsanaa labo arimood oo kala ah, taageerada howlgalada ciidamada Xooga dalka ay ka wadaan Gobolka Sh.dhexe iyo sidoo kale taageerida xil ka qaadistii Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka.

Madax ka socotay maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankooda sheegay in ay muhiim tahay isbedal lagu sameeyo garsoorka dalka.Banaanbax-12 Banaanbax-11 Banaanbax-10 Banaanbax-9 Banaanbax-8 Banaanbax-7 Banaanbax-6 Banaanbax-5