Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu ku fatahay tuulooyin badan oo hoos yimada magaalada Jowhar.
Tuulooyinka uu ku fatahay wabiga ayaa la sheegay in badankood ay ku yaalaan Bariga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Tuulada Baxayaxow ayaa la sheegay in uu sameeyn ku yeeshay dadka kunool fataahada webiga Shabeelle ,waxaana la sheegay in ay bilaabeen dadka halkaas kunool in ay barakacaan.
Maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wadda dadaal xoogan oo wax looga qabanaayo fataahada Wabiga Shabeele .
Dadka ku nool deeganada uu maro wabiga Shabeele ayaa dhawaan ka cabanayay biyo la’aan xoogan kadib markii uu wabiga guray,balse imminka waxay ka cabanayan biyo badan iyo fatahaad uu wabiga sameynaayo.
Waxii kusoo kordha kala soco risaala.net


