Iyadoo shalay ay ku beegneyd Munaasabadda maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa waxa ay Idaacadda Risaala dhageyestayaasha soo booqday xrunta dhexe ee Idaacadda uqabatay Barnaamijyo gaar ah.
Waxaana Barnaamijka taaba galinyaya shirkadaha saaxiibada la’ah Idaacadda Risaala.
Warshadda Isbuunyada Shaakir oo ah shirkada sameysa Joodarayaasha, Barkimanka, Fadhi-carbeedyada iyo waxyaabo kale oo ku wanaagsan jiifka ayaa abaalmarino gudoonsiisay qaar ka mid ah dhageystayaasha soo booqday xarunt dhexee ee Idaacadda Risaala, kuwaas oo qabsaday Lambaro ay nasiibkooda ku tijaabiyaan.
Sidoo kale Warshadda Isbuunyada Shaakir ayaa maanta abaalmarino isugu jira Joodariyaal iyo Barkiman kuwaas oo nasiibkooda ku tijaabiyay Lambaro ay qabsadeen.
Qaar ka mid ah dadkii soo booqday xarunta dhexee ee Idaacadda Risaala kuna guuleystay abaalmarinada ay bixisay Warshadda Shaakir ayaa ka mahadceliyay abaalmarinada ay ku guuleysteen.











