DHAGEYSO: Kenya oo dishay sarkaal Shabaab ah

Kenya-RisaalaFM- War ka soo baxay Booliska dalka Kenya ayaa lagu sheegay howlgal ciidamada ay fuliyeen in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabaa Jumca Muxamed Jakarta, balse waxaa loo yaqaanaa Modi Tulia.

Howlgalka Sarkaalkaan lagu dilay ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Kwale oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Booliska waxa ay sheegeen markii ay dileen Sarkaalkaasi, kadib ciidamada ammaanka hoygiisa inay ka soo saareen Bam gacmeed.

Sarkaalkaan Shabaab ka tirsan ayaa la sheegay inuu dhawaan tababar sare ku qaatay gudaha Somaliya, kadibna uu dib ugu laabtay Kenya si uu howlgalo u fuliyo.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale ka soo xiray Hooyga ninka la dilay Labo ruux oo ay walaalo yihiin ninka la dilay.

Xoogaga Shabaab ayaa dalka Kenya waxaa u jooga Xubno Kenyatti ah oo fuliyay dilalka qorsheysan iyo weerarada ka dhaca dalkaasi.