Baay-RisaalaFM- Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgaladaasi lagu raadinayay Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayeen deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Qansax-dheere.
Gudoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Cabdala Xuseen Matarfiish oo la hadlay Idaacadda Risaala xafiis wareedkeeda magaalada Beydhabo ayaa sheegay in amaanka degmada Qansax-dheere uu yahay mid wanaagsan sidoo kalena inta badan deegaanada degmadaasi ay gacanta ugu jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay wadeen howlgallo Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed.


