Deg Deg: Shabaab oo Xaradheere ku toogey Labo nin

Galgaduud-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya magaalada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ururka Al-shabaab ay goor dhow meel fagaaro ah ku toogteen magaaladaasi.

Labo oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dadka deegaanka ayaa Al-shabaab waxa ay galabta ku toogteen meel fagaaro, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay basaasiin u yihiin maamulka Galmudug.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan Labada nin ee la toogtey in horey magaalada Xaradheere ay ugu dileen dad shacab ah, sidaasina galabta dilka loogu fuliyay.

Al-shabaab iyo Odayaasha deegaanka ayaa la sheegay in ay ku heshiiyeen cidii qof shacab ah dil ugeysata in la toogan doono.

Odayaasha deegaanka ayaanan wali ka hadlin dilka maanta lagu fuliyay Labo nin oo la sheegay in ay basaasiin u ahaayeen maamulka Galmudug.