Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadallo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay wareysi uu siiyay Al Jazeera, kuwaas oo la xiriiray xiriirka Somaliland iyo Israa’iil iyo wararka sheegaya in Israa’iil qorshaynayso saldhig badeed oo laga sameeyo Berbera.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, oo bayaan soo saartay , ayaa diidday waxa ay ku tilmaantay “sheegashooyin marin-habaabin ah” oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ka sheegay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil.
Somaliland waxay sheegtay in Soomaaliya aysan awood u lahayn inay go’aamiso xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland ama ay ku hadasho magaca shacabka Somaliland.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ku celisay sheegashada Somaliland ee ah inay xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun 1960, ka hor xornimadii Soomaaliya ee 1-dii Luulyo 1960, iyadoo sheegtay in 18-kii May 1991 ay dib u xaqiijisay dowladnimadeeda, isla markaana muddo ka badan 33 sano ay dhisaysay hay’ado dowladeed iyo nidaam doorasho.
Dhanka xiriirka Israa’iil, Somaliland waxay sheegtay in xiriirka labada dhinac uu ku salaysan yahay go’aanno madaxbannaan iyo iskaashi diblomaasiyadeed. Waxay sidoo kale beenisay in Berbera loo adeegsan doono weerarro ka dhan ah dalal kale, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah.
Somaliland ayaa horey u beenisay inay Israa’iil la gashay heshiis ku saabsan saldhig militari, iyadoo ku adkaysatay in xiriirkoodu yahay mid diblomaasiyadeed.
Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay inay taageersan tahay heshiisyo Itoobiya u oggolaanaya inay hesho marin badeed, iyadoo lagu salaynayo iskaashi labada dhinac dan u ah. Waxay sidoo kale dhaliishay mowqifka Muqdisho ee ku aaddan is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysiga Al Jazeera ku sheegay in Soomaaliya aysan “xaalad kasta” ku aqbali doonin joogitaanka Israa’iil, isagoo sheegay in Israa’iil ay qorshaynayso saldhig badeed oo Berbera laga sameeyo iyo isticmaalka garoonka diyaaradaha magaalada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in ujeeddada qorshahaasi ay tahay in Israa’iil ay ugu dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa tallaabooyinka Israa’iil.
Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray inuu aaminsan yahay in shacabka Somaliland ay ka soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isagoo sheegay in Muqdisho ay arrintan uga shaqaynayso sidii loo ilaalin lahaa madaxbannaanida iyo danaha Soomaaliya.



