Muqdisho-RisaalaFM- Dood Gaaban oo ku saabsan shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hanaanka dib u heshiisiinta ee ka soconaya Magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Arrimaha Gudaha, waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dowlad goboleedyada dalka ka jira, Xubno ka socda Ururada bulshada rayid iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Doodan gaaban waxaa ka qeyb galaya Wasiir ku xigeenka Wasaarada dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Aadan Maxamed Cusmaan (Aadan Garaad), iyo Mahad Maxamuud Cali Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug.



