Cristiano Ronaldo Oo Ku Ciyaaray Qorshihii Man United Markii Uu Ku Biiray Real Madrid Bedelkii Uu Ku Biiri Lahaa Barcelona

Manchester United ayaa isku dayday inay ku guuleystaan in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay iska garab ciyaaraan iyagoo wada jooga Barcelona.

Xiddiga reer Portugal ayaa jabiyay rikoodhka suuqa kala iibsiga sannadkii 2009 markii uu ka tagay Old Trafford islamarkaana uu 80 milyan ginni ugu wareegay Real Madrid.

Manchester United ayaa isku dayday inay ku guuleystaan in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay iska garab ciyaaraan iyagoo wada jooga Barcelona.

Laakiin waxay ku sigteen inay waayaan boqorkooda haddii la sameyn lahaa sida uu rabay Sir Alex Ferguson.

Tababaraha halyeeyga ah ayaa si weyn u doonayay inuu Ronaldo ka ilaaliyo inuu ku biiro Real Madrid markii uu aqbalay in xiddiga reer Portugal uu ka tagayo Old Trafford.

Fergie ayaa xitaa sheegay sannadkii 2008 inuusan Madrid ka iibin laheyd “Fayras” iskaba daa ciyaaryahankiisa ugu fiicane.

Sida ay sheegtay jariirada Isbaanishka AS, taabaraha United ayaa ogaaday in Barcelona ay aheyd kooxda kale ee kaliya awoodi kartay saxiixa Ronaldo sannadkii 2009.