Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Jubaland.
Kulankan oo ahaa Qado sharaf uu Madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay Xaalada dalka, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland.
Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay sida uu wakhtigiisa ugu huray in xal laga gaaro jihada ay Soomaaliya uga gudbayso wakhtigan adag.
Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa kulan Madaxda maamulada ay ku doonayaan in ay xildhibaanada kala hadlaan sidii loo ansixin heshiiskii maamulada iyo Dowladda dhexe ee Arrimaha doorashooyinka.