Ciyaaryahan ka tirsan Barcelona oo qarka u saarran inuu la kulmo ganaax

Dood weyn ayaa ka dhalatay ciyaartii Barcelona ay guuldarrada kala soo kullantay kooxda Levante lugtii hore ee wareegga 16-ka Copa del Rey, iyadoo kooxda ka dhisan magaalada Valencia ay ku andacooneyso in Barca ay isticmaashay xiddig aanan diyaar u ahayn in kullankan uu qayb ka noqdo maadaama uu ganaaxnaa.

Barcelona ayaa lugtii labaad kasoo laabatay guuldarradii lugtii hore iyagoo 3-0 kaga adkaaday Levante, sidaasna ay kaga soo baxeen celcelis ahaan 4-2.

Levante ayaa dacwo u gudbisay xiriirka kubadda cagta dalka Spain ee magacooda loo soo gaabiyo RFEF subixii xigay.

Hase ahaatee maamulka xiriirka kubadda cagta Spain ayaa dafiray dacwadii Levante, waxaana ay ku tilmaameen inay lasoo daaheen, maadaama sida xeerka xiriirka Spain uu dhigayo aanan la aqbali doonin dacwada imaadda 24-saac ka dib dhacdada.

Ciyaaryahankan ay dacwada ka dhalatay ee Chumi ayaa ciyaarray lugtii hore kullankan ee ka dhacday Valencia, isagoo qaatay jaallihii shanaad kullankii Barce B ay ciyaartay 6-dii January, sidaas darteedna uu ganaaxnaa.

Xeerarka xiriirka u degsan ayaa ka ganaaxaya 19-jirkan inuusan u ciyaarri karin kooxda waaweyn illaa uu ganaaxa ka dhammeysto, hase ahaatee, Chumi waa uu ciyaarray kullankii Levante, isagoo seegay kii xigay ee Barca B la ciyaartay kooxda Alcoyano.

Barca ayaa iyadana ku andacooneysa in xiddiggeeda keliya uu ganaax ka saarnaa ciyaarista horyaalka La Liga, balse ay u furney inuu ciyaarri karo koobab kale.

Si kastaba ha ahaatee, RFEF waa uu dafiray dacwadii Levante.

Maadaama xiriirka kubadda cagta Spain ay dafireen isla markaasna ay diideen kiiskii Levante, waxaa kooxda ka dhisan magaalada Valencia ay dacwada u gudbisay maxkamadda ugu sarreysa kubadda cagta Spain ee Spain’s Court of Arbitration, hase ahaatee, iyaguna waa ay kasoo diideen.

Hadda se, wargeysyada kasoo baxa dalka Spain ee kala ah Mundo Deportivo iyo Sport ayaa ku warramaya in dacwadii ugu dambeysay ee Levante hadda la aqbalay, ka dib markii la tiigsaday nidaamyo cusub oo kasoo horjeestay kooxda Barca iyo Chumi.

Barcelona ayaa hadda laga yaabaa in lagu ganaaxo lacag u dhaxeysa €3,000 illaa €30,000, halka Chumi isna uu muteysan karo ganaax ah labo sano illaa shan sano, sida ku xusan qodobka 64 ee xeerka anshaxa xiriirka kubadda cagta Spain.

Naadiga Camp Nou ka dhisan ayaa weli qayb ka ah kooxaha ciyaaraya Copa del Rey, iyagoo wareegga rubac-dhammaadka lugtiisii hore qasaaro 2-0 ah ay kala kulmeen naadiga Sevilla.