Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay Dagaal la galeen Dagaalyahano ka tirsan ururka Al Shabaab, kaasi oo ka dhacay Degaanka Cabdi-dhoore oo ku yaalla Duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalkan dhexmaray Ciidamada maamulka Jubbaland iyo ururka Al Shabaab ayaa waxa uu socday mudo saacado ah, sida ay sheegeen dadka Degaanka.
Saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa sheegay Dagaalkan in ay kula wareegeen Degaanka Cabdi-dhoore, halkaasi oo ay horey u joogeen Shabaabka.
Sidoo kale Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen Dagaalka in ay ku dileen Afar Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka Jubbaland dhankooda ma sheegin khasaaraha ka soo gaaray Dagaalkan ay la galeen Shabaabka.


