Ciidamo gadoodsan oo xirtay Koontorool kuyaalla Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Puntland oo sida ay sheegeen ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirteen kantaroolka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la heegay inay guud ahaan la wareegeen Koontroolka Gaalkacyo, halkaas oo ay u diideen in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan inay ka gudbaan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Gaadiidka kala duwan ee xamuulka ay ku xanniban yihiin kantaroolka Magaalada  Gaalkacyo, balse halkaas ay ka socoto waan-waan lagu qancinayo ciidanka gadoodsan in ay jidka furaan islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban.

Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana Maamulka Puntland ay ka doonayaan xaquuqdooda, ayna furi doonin wadada ilaa laga siiyo.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale Ciidamo katirsan Maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay la wareegeen Baro koontorol oo kuyaalla Magaalooyinka Puntlandm iyaga oo ka gadoodsan mushaar la’aan.