Wararka Idaacadda Risaala ay ka helayso magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland xireen Wariye Axmed Bootan oo kamid ah Wariyayasha Magaalada.
Wariye Bootaan ayaa Maanta dadweynaha Boosaaso weydiiyey aragtidooda ku wajahan Hadal-jeedintii xalay ee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, taas oo ay dadka qaarkood ka hor yimadeen.
Lamaha amniga Magaalada Boosaaso ma shaacin sababaha loo xiray wariyaha, balse loo badinayaa inay tahay aragtidii uu weeydiiyay dadweynaha Boosaaso oo ay uga soo horjeesteen hadalkii uu xalay jeediyay.
Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland lagu xiray dhowr wariye ,iyaga oo Shaqadooda kujira, waxaana Ururada Saxaafadda Soomaaliya ay walaac ka muujiyeen xariga Wariyeyaasha loogu geysanayo Magalada Boosaaso.