Wararka inaga soo gaaraya degmada Hodan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qabteen Gaari ay saarnaayeen Hub iyo Walxaha Qarxa.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa iyo Hub kaas oo la hordhigay Maqaayada Royal ee ku Taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Waxaa la sheegay Gaariga Walxaha Qarxa ay saarnaayeen nuuciisu in uu ahaa Gawaarida Raaxada ah.
Dhowaanahan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo kuwaas oo lala beegsanay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.


