Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa saaka ku jardaamaday guriga hooyooyinka ee ku yaala degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, Waxayna la wareegeen amniga guriga hooyooyinka.
Wararka ayaa sheegaya in ciidama ay wateen gaadiidka dagaalka ay gudaha galeen dhismaha guriga hooyooyinka iyo xafiisyada ku yaala gurigaasi,.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay xireen qaar ka mid ah haweenka ku sugnaa guriga.
Madiino Maxamuud Maxamed oo xubin ka ah ururka haweenka qaranka ayaa Idaacada Risaala u sheegtay in ciidamada Booliska ay la wareegeen guriga hooyooyinka, islamarkaana sheegtay in dowladda Soomaaliya ay awood u adeegsatay haweenka.
Horey madaxda ururka haweenka Qaranka ayaa ka soo horjeestay amar iyo go’aanka kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bari oo ahaa inay baneeyaan guriga hooyooyinka si ay ugu shaqayso wasaaradda arrimaha qoyska iyo xaquuqul Insaanka Soomaaliya.



